Xulka Nigeria oo iska xaadiriyey afar dhamaadka Koobka qaramada Afrika 2019 kaddib markii ay garaaceen South Africa … + SAWIRRO

 Xulka qaranka Nigeria ayaa iska xaadiriyey afar dhammaadka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 kaddib markii ay garaaceen South Africa.

Kulankan oo ahaa mid adag ayaa gool looga naxsaday qeybtii hore xulka South Africa, waxaana goolka u daah furay xulka Nigeria, 27’daqiiqo Samuel Chukwueze, kaasoo kaamirada tusay magaciisa markii uu u dabaal-degayey goolkaas kulanka ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreeyeen wiilasha Nigeria.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka South Africa ayaa iska soo celiyey goolkaas waxaana 71’daqiiqo ciyaarta garbo siman ka dhigay Bongani Zungu kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-1.

Yeelkeede goolka ay guusha ku qaateen xulka qaranka Nigeria waxaa dhammadkii ciyaarta u dhaliyey 89’daqiiqo William Troost-Ekong, ciyaarta ayaana sidaas ugu soo dhammaatay 2-1 ay ku adkaadeen wiilasha Nigeria.

Xulka qaranka Nigeria ayaa iska xaadiyey afar dhammaadka Koobka qaramada qaaradda Afrika 2019, halka South Africa ay isaga hareen tartanka.

Nigeria ayaana afar dhammaadka tartankan kula biirtay Senegal oo xilli hore caawa xaqiijiyey inay u soo gudbeen Semi-finalka Koobkan.

Xulka Nigeria ayaa afar dhammaadka tartankan la ciyaari doona xulkii soo adkaada Ivory Coast iyo Algeria oo habeen dambe ciyaari doona, halka Senegal oo afar dhammaadka tartankan u soo baxay ay wajihi doonaan xulkii soo adkaada Madagascar iyo Tunisia.