Xulka Peru ayaa soo gabagabeeyay 17 kulan oo aan laga badinin Brazil

Xulka Peru ayaa soo gabagabeeyay 17 kulan oo aan laga badinin xulka Brazil ka dib markii ay 1-0 ku garaaceen ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalka Mareykanka.

Waa guushii ugu horeysay ee ay Peru ka gaareen  Brazil tan iyo sannadii 1985, waxaana ay ugu yaraan heleen aargudasho yar madaama ay Brazil Copa America sannadkan ka qaaday Peru.

Xulka Peru ayaa qorshe daafac ku soo galay ciyaartaan iyagoo neefta ku dhejiyay Richarlison iyo Firmino oo hogaaminayay weerarka, halka Allan uu helay fursadii ugu fiicneyd ee Brazil bilowgii qeybta labaad.

Inkastoo Neymar iyo Viniciuis Jr ay ciyaarta soo galeen iyadoo 30 daqiiqo ay ka harsan tahay hanada waxa ay guusha raacday xulka Peru kuwaasoo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 85aad.

Laad xor ah oo loo dhigay ayaa waxaa madax ku dhaliyay Abram iyadoo goolhaye Ederson uu awoodi waayay inuu kubada bixiyo ka hor inta aan la madaxeynin.

Waa guuldaradii seddexaad ee soo gaarta Brazil 44 kulan oo uu tababare u ahaa Tite. Waana guuldaradoodii ugu horeysay tan iyo Koobkii Adduunka ee 2018 oo ay wareega sideed guuldarro 2-1 kala kulmeen xulka Belgium.

Image result for Abram goal brazil

Image result for Abram goal brazil

Image result for Abram goal brazil