Xulka qaranka Dalkeena Soomaaliya oo galabta la ciyaaraya Wadanka…

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta ciyaari doona kulankooda koowad ee isreeb reebka koobka Olympikada aduunyada iyago la dheeli doona xulka wadanka Ethiopia.

xidigaha 23-sano jirada Xulkeena ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeyay waxey tababar adag ku sameynayeen wadanka Ethiopia, iyago isku diyaarinaya kulanka adag ee la qaadanayaan xulka qaranka Ethiopia.

Wiilasha Ocean Stars waxey sanadkan u muuqdaan kuwa guul ka soo gaari kara xulka Ethiopia maadama ay waqti dheer ay tababar sameeynayeen.

Hogaamiyaha xulka Macalin Farayare ayaa dadaal weyn ku bixiyay hanaan ciyaareedka xulkeena, iyado la arkaayay kulamadii saaxiibtinimo oo ay la qaateyn kooxaha ka dhisan dalkeena iney soo bandhigeyn kubadd ku dheehan isku dhiib dhiib ama tiki taka, taaso oo keentay in kalsooni badan geliyaan kumanaan qofood oo daawan doona.

Sanadkaan Xulka Qaranka Dalkeena waxaa ka soo muuqanaya wajiyo cusub oo ay kamid yihiin Cumar Gaxtaani, Shiiqey, Anwar Shakunda, Nuune Haashimi ,Abuukar iyo kuwa kale.

Ugu dambeyntii kulankaan ayaa la daawan doona saacada marka ay tahay 3:30 galabnimo, waxaana si toos ah loogu daawan doona Tv-ga Azam oo tanzania laga leeyahay.

Ciyaartan waxey ka dhici doonta garoonka caanka ah ee Addis International Stadium.

Aragti Ka Dhiibo Waxaad U Rajeyneysid Xulkeena, Guul Iyo Gobonimo.

La Wadaag Asxbtada Adoo Mahadsan
W/Q: C/fitaax Nani