Xulka Qaranka Spain Oo Haysata Xiddigaha Garbaha Daafaca Ugu Fiican Adduunka [Ogow]

Laba xiddig ee kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ka caawiyay in ay gaarto guulo kulmadii ugu dambeeyay waana laba xiddig oo fure u ah xulka Spain

Xiddigaha Dani Carvajal & Jordi Alba ayaa labadooduba ah daafacyo garbahaha ah waliba ah xiddigaha ugu fiican adduunk kubada caga wakhti xaadirkan la joogo

Haatan waxa ay ka mid yihiin xiddigaha ugu fiican ee ka cayaara booskooda yurub iyo waliba adduunka marka laga hadlayo xulka qaranka

Carvajal ayaa ku raaxaysanaya qaab cayaareed fiican asagoo Cristiano Ronaldo ka caawiya weerarka sidii uu Angerl Di Maria uga caawin jiray halka uu Alba sidoo kale yahay xiddiga si fican u cayaaray xilli cayaareedkan

Halkan Kaga Bogo Xogta labada xiddig ee xilli cayaareedkan:

Kulamad: Jordi Alba (36) / Carvajal (33)

Daqiiqadaha: Jordi Alba (2994) / Carvajal (2680)

Caawinta: Jordi Alba (9) / Carvajal (7)

Kubad celinta: Jordi Alba (197) / Carvajal (183)

Baaska ay dhamaystireen: Jordi Alba (86.91) / Carvajal (83.94)

Kubad dilista: Jordi Alba (70.31) / Carvajal (66.18)

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com