Xulka Qaranka Spain Oo Xasuuqday Argentina Xili Uu Saddex-ley Dhaliyay Isco

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday 6-1

Xidiga Real Madrid ee Isco ayaa wuxuu dhaliyay saddex gool kulan qarankiisa Spain uu 6-1 kusoo dar-daray dhigooda Argentina.

Ciyaartaan oo ka dhacday garoonka Wanda Metropolitano, ee Magaalada Madrid, ee wadanka Spain ku yaala ayaa wuxuu ahaa mid aad uxiiso badnaa.

Xulka Spain ayaa wuxuu ka kala helay goolasha ciyaartoyda kala ah: Isco oo saddex gool dhaliyay, Diego Costa, Thiago Alcantara iyo Iago Aspas.

Daafaca Manchester City ee Nicolás Otamendi, ayaa wuxuu dhaliyay goolka qura oo ay heshay Argentina, isagoona dhaliyay daqiiqadii 37aad ee qeybta koowaad.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay utahay ciyaartoyda Spain dhiiro gelin fiican, maadaama ay kulankii hore Bareejo 0-0 ay lasoo galeen Germany.

Sidoo kale, Argentina ayaa waxay usoo awood sheegteen kulankii hore dhigooda Italy, markaasoo ay kusoo dharbaaxeen 2-0.

Inta kulanka uu socday, xulka Spain ayaa haysatay kubadda 52 boqolkiiba, halka qaranka Argentina uu isana haysatay Banooniga 48 boqolkiiba.

Ma jirin wax Casaan ah oo la bixiyay, marka laga reebbo Afar jaalo ah oo ay qaateen ciyaartoyda Argentina iyo waliba Hal jaalo oo ah ay qaateen kuwa Spain.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com