Yaa Hogaaminaya Tartanka Gool Dhalinta 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo Meel Xasaasi Maraya

Tartanka Gool dhalinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ayaa meel xiiso leh iyada oo ay ku tartamayaan xiddiga badan xilli lagu soo dhawaanayo dhamaadka horyaalada xilli ciyaareedka 2019/2020.

Xiddiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo hogaaminaya gool dhalinta horyaalada ugu waaweyn ilaa haatan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 25 gool oo horyaalka Serie A-da ah ilaa haatan.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 22 gool oo horyaalka Bundesliga isaga oo ku jira kaalinta 2-aad ee gool dhalinta horyaalka.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhankiisa dhaliyay 20 gool isaga oo la goolal ah xiddiga kooxda RB Leipzig ee Timo Werner kaas oo isna dhaliyay 20 gool.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo ah xiddiga difaacanaya ayaa dhaliyay kaliya 14 gool oo horyaalka La Liga ah isaga oo aan ku jirin xiddigaha ugu sareeya tartanka gool dhalinta 5-ta horyaal ee ugu waaweyn.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha u tartamaya 5-ta horyaal ee ugu waaweyn:

Ciro Immobile (Lazio) 25 Gool
Robert Lewandowski (Bayern München) 22
Timo Werner (Leipzig) 20
Cristiano Ronaldo (Juventus) 20
Romelu Lukaku (Inter) 17

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com