Yaa Hogaaminaya Xiddigaha Ugu Goolasha Badan Mbappe , Ronaldo & Messi

Xilli ciyaareedka horyaalada kala duwan ka harsan yahiin ugu yaraan 10 kulan halka tartamada sida champions League iyo Europa League ka dhiman yihiin min 5 kulan.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sidii caadada ahayd qaadanaya xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo hogaaminaya gool dhalinta yurub.

Lionel Messi ayaa ku jira xilli ciyaareed aad u fiican isaga oo ku lug leh goolal badan oo ay dhalisay naadigiisa Barcelona tartamada oo dhan.

Xiddiga 31 Jirka ee xulka Argentine ayaa ah xiddiga ugu badan ee ku lug leh goolasha hadii ay noqoto qaar la dhaliyo ama qaar caawiye laga noqdo tartamada oo dhan.

Lionel Messi ayaa ku lug leh 60 gool oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan hadii ay noqoto champions League, La Liga iyo Copa Del Rey-ga.

Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa xilli ciyaareed fiican dhigaya ayaa dhankiisa ku lug leh goolal badan tartamada.

Mbappe ayaa ku lug leh 38 gool isaga oo ka horeeya xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo ku lug leh 36 gool.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Goolasha Badan Ku Lug Leh:

Lionel Messi: 60 Gool

Kylian Mbappe: 38 Gool

Cristiano Ronaldo: 36 Gool

Raheem Sterling: 35 Gool

Karim Benzema: 30 Gool

Mohamed Salah: 29 Gool