Yaa ku guuleeystay Macalinkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League-ga November 2018?

Laacib Sports : Waxaa la soo saaray macalinka ugu fiican horyaalka Premier leageu-ga waxaana ku guuleystay leyliyaha kooxda ugu fiican bishii la soo dhaafay ee November 2018,Macalinka kooxda kubadda cagta Newcastle ee Rafael Benitez ayaa loo magacaabay macalinkii ugu wanaagsan horyaalka Premier League, kadib markii uu kooxdiisa kasoo saaray khadka cas ee kooxaha dib ugu laabanaya heerka 2-aad.

Naadiga Newcastle ayaa bilowgii November waxay ku jirtay kaalinta 19aad iyadoon wax guul ah arag 10 ciyaarood oo xidhiidh ah, ka hor intii aanay saddex guulood oo xiriir ah kor ugu soo baxaan.

Macalinka Naadigan lagu naanayso Magpies ayaa waxa uu garoonka St James’ Park ku garaacay Watford iyo Bournemouth, waxaanu ku xigsiiyey Burnley oo ay dhibcaha kasoo qaateen iyaga oo aan garoonkooda ku ciyaarin.

Macalin Rafael Benitez ayey u tahay markiisii shanaad ee uu ku guuleysto abaal-marintan bilaha ah,wuxuuna yiri”Way fiican tahay in mar kasta abaalmarin lagu guuleysto. Dabcan waxa aan jeclaan lahaa inaan marar badan ku guuleysto tababaraha bisha sababtoo ah waxa aanu tegi lahayn meel wanaagsan shaxda kala sarraynta kooxaha” Ayuu yiri Benitez oo kooxdiisu ay waqtigan fadhido kaalinta 15aad ee horyaalka Premier League-ga.

Manager of the month November 2018