Yaa ku leh Xiddigaha Ugu Badan Wareega Semi-finalka Koobka Adduunka

Waxaa haatan la suga yaa semi-finalka koobka Adduunka halkaas oo ay isugu soo hareen 4 xul oo u dagaalami doona sidii ay u gaari lahaayeen finalka koobka adduunka i

Kooxda Tottenham ayaa ah kooxda xiddigaha ugu badan ku leh semi-finalka koobka adduunka iyada oo 4 xul ee ugu dambeeya ku leh 9 xiddig oo ka kala tirsan 3 xul kuwaas oo kala ah France-Belguim iyo England

Tottenham ayaa xulka France ku leh Goolhayaha Hugo Loris hal ay sidoo kale Belguim ku leedahay xiddigaha kala ah Toby Alderweireld,Jan Vertonghen Iyo Mousa Dembélé

Kooxda Tottenham ayaa ku leh xulka England xiddigaha Harry Kane,Danny Rose,Kieran Trippier,Eric Dier iyo Dele Alli

halka xiddigaha Man City iyo Man United ku soo xigaan iyada oo chelsea soo galayso kaalinta 3 halka ay ka horayso kooxda Liverpool oo ku leh 4 xiddig

Horyaalka Premier League ayaa xiddigaha ugu badan ku leh wareega semi-finalka koobka adduunka iyaga oo ku leh 40 xiddig kaas oo ah horyaalka ugu xiddigaha badan

Horyaalka La Liga ayaa ku leh 12 xiddig halka Horyalka France ku leeyahay kaliya hal xiddig, Horyaalka Germany ayaa ku leh 9 xiddig halka horyaalka Italy ku leeyahay 8 xiddig

Barcelona ayaa ku leh xiddigaha Samuel Umtiti, Osmane Dembele,Ivan Rakitic iyo Thomas Vermaelen halka ay kooxda Real Madrid ku leedahay Raphael Varane,Matoe Kovacic iyo Luka Modric