Zidane ayaa seddax shuruud ku xiray Maamulka Chelsea si uu shaqada uga bedelo Maurizio Sarri

Tababarihii hore ee Real madrid Zidine ayaa seddax shuruud ku xiray maamulka Chelsea si uu shaqada uga bedelo Maurizio Sarri.

1- In qandaraas cusub ay kooxdu ka saxiixato Eden Hazard, maadaama uu doonayo in aysan kooxdu lumin xiddigeeda ugu muhiimsan ee dalka Belgium.

2-In la siiyo miisaaniyad dhan 200 milyan oo ginni oo uu kooxda dib ugu dhiso, lacagtaasna loo kordhiyo haddii qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda la iibinayo xagaaga soo aadan.

3- In uu qeyb ku lahaado go’aanka kama dambeysta ah ee kooxdu ciyaartoyda cusub kula soo wareegeyso, si la mid ah gabadha agaasimaha guud Chelsea ka ah Marina Granovskaia.

Hadaba ma tahay in seddaxdaas shuruud ay Chelsea aqbasho si uu Zidane macalinka u noqdo garoonka  Stamford Bridge  dhammaadka xilli ciyaareedkaan marku dhamaado