Zidane mise CR7? Madaxweyne Shaaciyay Cida Iska Leh Masuuliyada Hoos U Dhaca Real Ee Dhanka La Liga

Davor Suker, Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Croatia, islamarkaana horey ugu soo dheelay Real Madrid ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in masuuliyadda hoos udhaca Real Madrid, ee dhanka La Liga, uu leeyahay macalin Zinedine Zidane.

Los Blancos, ayaa waxay hada kaga jirtaa shaxda kala horeynta ee La Liga, kaalinta Saddexaad, iyadoona ka dambeysa naadiyada uu dagaalka xoogan kala dhaxeeyo ee kala ah: Atletico Madrid oo labaad iyo Barcelona oo koowaad ah.

Laakiin, Real Madrid, waxay bandhig fiican ay ka sameyneysaa tartanka Champions League, halkaasoo ay ka joogaan wareega Sideed dhamaadka ee koobka Dhaga-weyne, waxaana ay kasoo tilaabsadeen Talaadadii dhigooda PSG.

Sikastaba, Davor Suker, oo wareysi gaar ah siiyay Majalada MARCA, ee kasoo baxda dalka Spain, ayaa wuxuu taasi bedalkeeda ku amaanay Zidane, shaqada fiican ee uu ka hayo dhanka UCL, isagoona ku baaqay inuu sii joogo Madrid.

“Waxaa su’aashaas fiicnaan ahayd inaan weydiiso macalin [Zidane],” ayuu ku jawaabay mar la su’aalay waxa sababay hoos udhaca kooxda kubada cagta ee Real Madrid, ee horyaalka labaad ee aduunka ugu daawashadda badan ee La Liga.

“Ma siinayo wax talo ah, maxaa yeelay waxaa aaminsanahay oo aan ku kalsoonahay shaqada uu noo qabanayo Zidane,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“[Sidaas darteeda] waxaan rajeynayaa inaan Florentino Perez [Madaxweynaha Real Madrid] uu isaga siin doono heshiis cusub si uu shaqadiisa usii wato,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gaba gabeeyay, Madaxweynaha xiriirka kubada cagta Croatia.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com