Zidane Muxuu Ka Yiri In Juve Ay Ku Aadan Wareega 8 CL, Inay Xoogan Tahay & Hadii Ay Garaaci Karaan

Tababaraha kooxda kubada cagta Real Madrid, ninka lagu magacaabo Zidane, ayaa wuxuu ka hadlay isku aadka wareega Sideed dhamaadka Champions League, gaara ahaan in kooxdiisa lagu beego dhigeeda wadanka Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.

Labadaan naadi ayaa waxay ku kulmeen Champions League, dhowr jeer, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd sanad ciyaareedkii hore, markaasoo Final-ka, ay ku wada dheeleen Magaalada Cardiff, ee caasimada wadanka Wales, xili Madrid ay qaaday koobka.

Kulanka labadda kooxood, ayaa waxaa lugta hore lagu dheeli doonaa garoonka kooxda kubada cagta Juventus, ee lagu magacaabo Juventus Stadium, taariikhdu markay tahay 3-da bisha 4aad ee April, halka lugta labaad oo guriga Real, lagu dheeli doono 11-ka isla bishaas.

“Waxaan u ahaa iyaga inay hada yihiin kuwa [koox ahaan] xoogan, sida ay ahaayeen sanad ciyaareedkii hore,” ayuu tababare Zidane usheegay warbaahinta ka hor kulanka xiisaha leh oo ay la balansan yihiin Girona, caawa oo Axad ah.

“Waxay yihiin kuwa loolan adag nala geli kara, sida ay mar walba ahaayeen, wuxuuna noqon doonaa kulan aad u adag – [90-ka daqiiqo ee kulanka] wuxuu noqon doonaa 50-50 [ma jirto dhinac ay guusha ugu cad-cadahay],” ayuu sii daba dhigay.

“Marka hore, waxaan booqan doonaa gurigooda, waana arki doonaa sida aan noqono – Marnaba uma malaynayo inaan noqon doono kuwa kubad kulul ama Qabow ciyaari doona,” ayuu cod dheer ku sheegay hogaamiyaha Los Blancos

“Waxaan nahay kuwa booskeeda ku xoogan, laakiin marka u tartanku heerkaan oo kale joogo [koox walba] waxay tahay mid wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, tababaraha kooxda difaacaneysa tartanka Champions League.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com